Wasiirka Amniga oo amray in lasoo xiro Askari qof Shacab ah dilay

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa Laamaha Amniga ku Amray in ay soo qabtaan Askari Qof shacab ah Dil ugu Geystay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Xukumada Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka Tirsan Laamaha Amniga Dowlada ayaa Gaaray Goobta ay dhacdu ka dhacday

Wasiirka Amniga Xukumada soomaaliya ayaa sheegay in aan wax loo Dulqaadan Karin ay tahay in si Bareer ah loo dilo Qof shacab ah isagoona laamaha amniga uu amar ku siiyay in lasoo xiro askarigii dilka u geystay qofka shacabka.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa si bareer ah saakay nin wayeel ah oo saaladda subax u socday ku dilay meel u dhow xarunta degmada Kaaraan.