Dhul gariir mar labbaad ku dhuftay Jaziirada New Caledonia

Saacado uun ka dib markii Jaziirada Fransiiska hoostagta ee New Caledonia uu ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu uu ahaa 7.6 ayaa waxaa mar kale lasoo werinayaa in dhul gariir kale oo uu cabirkiisu yahay 6.6 uu ku dhuftay, waxa uuna saameyn ku yeeshay dadaalada lagu doonayay in lagu samata-bixiyo dadkii uu saameeyay dhul gariirkii hore.

Dhul gariirkaan labbaad ma uusan laheyn wax digniin ah balse midkii hore ayaa laga bixiyay digniino, waxa ayna digniintaasi sahashay in dadka ay kol sii horeysay ay goobaha halista ah isaga baxaan.

Ilaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhul gariiradaasi lama xaqiijin karo maadama si is xig xigta uu ugu dhuftay, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu ka dhashay.