Kullanka golaha Shacabka oo lagu ansixiyey xeer hoosaad muhiim ah

kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal Ajende oo ahaa Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha gudiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.

Guddoomiyaha gudiga xeer hoosaadka ee golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii ay fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen, wuxuuna golaha ka codsaday in cod la geliyo si uu meel mar u noqdo.

intaasi ka dib Xildibaanada Golaha Shacabka ayaa cod  geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaana, waxaa diiday 1 xidlhibaan sidoo kale 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray.