Muqdisho-RisaalaFM- Ganacsatada ku ganacsata hareeraha wadada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea, ayaa qaati ka taagan Nadaafad daro, go’doon iyo xaalad caafimaad daro oo ay ku hayaan Biyo wasaq ah iyo qashin fara badan oo go’doomiyay Bartamaha laamiga Isku xira Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaan Cirtoogte iyo wadada sariiraha.
Ganacsatada waxa ay sheegayaan muddo badan in biyaha wasaqda ah halkaasi ay yaaleen, wadadana ay si toos ah u go’day, uusana jirin isku day ku aadan in la sameeyo wadadaasi haddii ay tahay Dowladda dhexe iyo Maamulka Gobolka banaadir.
Aadan Xasan Maxamed oo ganacsatada ka mid ah ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay ka doonayaan inay soo eegto wadada isku xirta Black Sea iyo Suuqa Bakaaraha oo ah wado muhiim ah, balse u go’an nadaafad daro iyo biyo dac ah oo halkaasi buuxa.
C/naasir Sheekh oo isagana ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay marka uu roobka da’o inay la kulmaan Khasaare, maadaama biyaha ay galaan guryahooda iyo goobahooda ganacsiga, mar kastana ay u qaylo dhaaminayaan dowladda Soomaaliya si arintan wax ay uga qabato, waxaana uu codsaday, maadaama laamiyada kale ee dalka qaar la dhisay oo ay ku jiraan kuwa aanan muhiim aheyn in wadadan la dhiso.
Marka aad aragtid muuqaalka wadada iskaba daa inaad ku ganacsatid, xitaa waxa aad ka xishoonaysa inaad martid, maadaama ay isdhex yaalaan Biyo wasaq ah oo midabkooda isbedelay, qashin aad u fara badan, nadaafad daro tankeeda dhaaftay, xaaladahaasi oo isbiirsaday ayaa dhalin kara caafimaad daro soo food saarta dadka ka agdhaw wadada Cirtoogte gasha.
Ugu dambeyn Ciise Axmed Wehliye oo waayo joog u ahaa 23-kii sano ee la soo dhaafay dhibaatada ka taagan wadada Isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Black Sea, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan weli halkaasi eegin, marka la eego dowladihii tan ka horeeyay ay xoogaa la tacaali jireen wadada, balse masuuliyiintan cusub weli aysanba cagta saarin halkaasi iskaba daa inay wax ka qabtaan.
Ciise ayaa sheegay 10-kii sano ee u dambeeyay ganacsigooda inuu ahaa mid aanan wanaagsaneyn, maadaama Biyaha roobka marka uu da’o ay karaar jabsadaan dhismayaasha, halkaasina ay ku baaba’aan hanti badan.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan daah furay Ololaha nadaafadda Gobolka Banaadir, laakiin meesha lagu bilaabay ayaa aheyd meel aanan u baahnayn nadaafad marka la eego meelaha muhiimka u ah Bulshada ee loo baahan yahay dowladda inay wax ka qabato.
Inkastoo shaqada dowladda ay kala cayiman tahay, haddana tallaabada hagaajinta wadada ayaa laga doonayaa maamulada Hawlwadaag iyo Hodan oo laamiga uu u dhaxeeya iyaga oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dhismaha wadooyinka ku shaqada leh.
W/D:- Feysal C/laahi Maxamuud
PHOTOS:- Cali Xasan Cali



