Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in degaanada laga saaray Al-Shabaab ay gaarsiin doonaan qorshayaasha wax loogu badalayo Dastuurka Dalka.
Wasaarada ayaa sidooo kale sheegtay in aysan dhici doonin in mar kale la isku qab qabsado qodobo ka mid ah Dastuurka isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii dhamaan dadka Soomaaliyeed loogu qeyb gelin lahaa dib u eegista dastuurka.
Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in magaalo walbo oo Al-Shabaab laga saaro dadka ku nool degaanadaasi ay gaarsiin doonaan qorshaha wax loogu badalayo Dastuurka Dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu hormarinayo Dastuurka isla markaana lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed laga wada qeyb geliyo.
Sanadkii 2012 Markii Dastuurka la sameynaayay Al-Shabaab ayaa heystay Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya balse Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa hada Al-Shabaab kala wareegay degaano dhowr ah taasi Wasaarada Dasruurka u sahleyso in ay kulamo wada tashi ah ka bilowdo sida uu sheegay Wasiirka.
Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ka wado qorshe dib u eegis loogu sameynayo Dastuurka Dalka oo hada ah Mid KMG ah.


