Dharkiinley iyo Warta-nabadda oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo Shalay uu si toos ah ufurmay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa galabta wada bartami doona Degmooyinka Dharkiinley iyo Warta-nabadda oo labaduba kawada tirsan gobolka Banaadir.

Waxaana Tartankan ka qeyb galaya 16 Degmo oo Labo kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.

Degmooyinka Awdhiigle, Afgooye, Dharkiinley iyo Warta-nabadda ayaa waxa ay kuwada jiraan Groupka A, waxaana shalay ku tartamay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala Awdhiigle iyo Afgooye iyadoo guushii ugu horeysay ee Tartanka ay gaartay Awdhiigle kadib markii ay ka adkaatay degmada Afgooye.