Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano & degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay xalay dagaalo ka dhaceen.
Ciidamada dowladda & xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay ku dagaalameen Awdheegle,Afgooye, Qoryooleey iyo deegaanka Bariire,kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose,isla markaana ay baadi goob ku hayaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhigyada Ciidamada soo weeraray.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan ay sanadkaan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kula wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaannada Sabiib & Caanoole,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.



