Wasiirka Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.
Qodobada sharcigaan ku xusan waxa ka mid ah in la dhisay Isgaarsiinta Qaranka oo Masuul ka noqoneysa Maamulka iyo nidaaminta Isgaarsiinta dalka.
In si un loo isticmaalo Suuqa iyo in shirkadaha gaarka ah ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim u ah Isgaarsiinta Dalka.
Wasiirka Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan aya Xildhibaanada u sharaxay 70 qodob ee sharcigaan uu ka kooban yahay.
Akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay su’aalo weydiiyeen Wasiirka.
Su’aalaha ay Wasiirka waydiiyeen Xildhibaanada waxaa ka mid ah xilliga rasmiga ah oo ay dowladda la soo wareegeyso Furaha 252 iyo xilliga ay Wasaaradu wax ka qabaneyso dhibaatada ay shirkada gaarka ah ku hayaan shacabka.
sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in shirkad gaar ah hal adeeg Maamulkeeda gacanta laga geliyo balse loo baahan yahay in la tartansiiyo shirkadaha.