Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay 17 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo ka dhacay degaanka Aricadeeye oo ka tirsan degaanada hoos yimaada Magaalada Laascaanood.
Qaraxa ayaa ahaa Miino meel taallay oo cunug yar uu soo qaaday ka dibna uu soo dhex dhigay dad meel fadhiyay.
Taliyaha Ciidamada booliska maamulka Somaliland ee gobolka Sool oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in Miinadaasi Qaraxday ay aheyd Haraadi ka haray dagaaladii ka dhici jiray degaankaasi.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi Miino ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Laascaanood.



