Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa kasoo baxay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaas oo soo galay Magalada Muqdisho.
Ciidamadaas oo wata ku dhawaad 30 Gaadiidka dagaalka ah iyo askartooda ayaa ka yimid dhinaca Shabeellaha Hoose,waxaana soo bixitaanka Ciidamadaas kasoo baxaya warar kala duwan.
Qof ku sugan agagaarka Xerada Ciidanka Asluubta ayaa Radio Risaala u sheegay in ciidamadaas ay fariisin ka sameysteen halkaas, isla markaana haatan ay ku sugan yihiim.
Goobjooge Indhihiisa ku arkay Ciidamada gadoodsan ee soo galay Muqdisho ayaa ka warbixinaya.



