Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey kulamadii uu Dhuusamareeb kula qaatay Madaxda Galmudug.
Waxa uu sheegay in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in uu la wadaaagi doono waxyaabihii ay kusoo wada hadleen Madaxda Galmudug, isaga oo raja ka muujiyey in wax walba wadahadal lagu dhameyn doono.
Kulamadii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu Dhuusamareeb kula qaatay Madaxda Galmudug ayaa warar soo baxayay ay sheegayaan in Madaxda Galmudug ay shuruud adag ku xireen Madaxda Dowladda.



