DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo hilibka laga keeno dalka dibadiisa

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiiro geliyo Xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay qalad tahay in hilib loo soo dhoofiyo Soomaaliya iyadoo sanad walbo dalka Soomaaliya laga dhoofiyo Xoolo badan.

Waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay niyad jibineyso dadaalka Xoolaha dhaqatada Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in la Joojiyo.

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya intiisa badan dhaqaalihii uu ku xeran yahay Xoolaha.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale sheegay in ay wanaagsan tahay in la dhaqan geliyo sharciga dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.