DHAGEYSO: Baarlamaanka Jubbaland oo la xisaabtamaaya wasiirada Cusub

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Baarlamaanka Maamulka Jubbaland loogu baahan yahay in ay la Xisaabtamaan Golaha wasiirada Cusub ee Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in loo baahan yahay in si cadaalad ah loogu adeego shacabka Jubbaland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in ay wada shaqeyn buuxda dhex marto Baarlamaanka Jubbaland iyo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaasi.

Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed waxa uu ka sheegay Xaflad lagu dhaarinaayay golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland.