Ciidamada Dowladda ayaa Al-shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al-shabaab ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay ku sugnaayeen deegaano hoostaga degmada Mahadaay.
Howlgal saakay ciidmada dowladda ay ka sameeyeen halkaasi ayaa waxa ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.
Agaasimaha Warbaahinta Shabeelaha Dhexe C/Kariin Aaloos ayaa Idaacadda Risaala arimahaasi uga waramay.