4 Askari oo ka tirsaneyd Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Xalay ku dhintay Qaraxii ka dhacay muqdisho gaar ahaan Iridka hore ee Hotelka SYL, waxaana maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.
Askarta NISA ka tirsaneyd ayaa lagu Aasay Iskool Bulisaya,iyadoo Aaskooda ay ka qeyb galeen Saraakiil ka tirsan NISA iyo Booliska Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Boolisa Qeybta Gobolka Banaadir General Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa warbaahinta u sheegay in Askartaan ka tirsaneyd NISA ay u dhinteen Difaaca Dalkooda islamarkaana ay ka hortageen Qarax la doonayay in lagu baabi’iyo dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.
Xalay ayay ahayd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lala damacsanaa in lagu weeraro Hotelka SYL laakiin ciidamada Nabad sugida ay ka hortageen.


