Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo saxaafada la hadlay ayaa ku booriyay shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho in ay meel kaga soo jeestaan dagaal uu sheegay in lagula jiro Hormarka, Bilicda iyo Nabadda gobolka Banaadir.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay Afhayeenka in ay qaban doonaan kulamo aminga looga hadlayo kaas oo u dhaxeeya shacabka iyo maamulka si muqdisho ay kaga xurowdo dagaalka ku socda waa sida uu hadalka u dhigay Afhaayeenka gobolka Banaadir.