Maamulka Isbitaalka madiina ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay ka warbixiyeen tirada guud ee isugu jirta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee Isbitaalka la gaarsiiyay.
Duniyo Maxamed Cali Madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa saxaafada u sheegtay u sheegtay in la gaarsiiyay Isbitaalka 33 Ruux oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Waxaana ay sidoo kale sheegtay Saddex ka mid ah dadkaasi inta lagu guda jiray la tacaalidooda in ay halkaasi ku geeryoodeen, Iyadoo tirada dhimashada ka dhigaysa 8 Ruux halka kuwa kalana isbitaalka la seexiyay.
Dhamaan dadkaan ay waxyeelada soo gaartay ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ka ak dhawaa goobta ay qaraxyada ka dhaceen.


