Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay ammaanka Magalada Muqdisho in uu yahay mid la isku haleyn karo, oo amniga uu soo hagaagayo.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay amniga Muqdisho in uu yahay mid lagu kalsoon yahay, maadaama Ciidanka ammaanka ay waqti badan ku bixiyaan.
Waxa uu sheegay reer Muqdisho amniga Magaalada in aysan wal wal ka qabin, balse laga yaabo dadka qurbaha ka yimid in ay muujiyaan walaac ku aadan dhanka amniga, isagoo ugu baaqay in ay niyadooda ka saaraan in uusan amni jirin.
Guddoomiye Yabooh ayaa Ciidanka ammaanka qeybahooda kala duwan ee Habeen iyo maalin u soo jeeda sugidda amniga ayuu ku amaanay qaabka ay shaqadooda u gudanayaan.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Doorashooyin heer gaba gabo ah maraya, waxaana ilaa iyo hada aanay jirin arbushaad dhacda inta ay socdaan Doorashooyinka.


