Aqalka Sare ee Federaalka Muxuu soo kordhin doonaa?

Aqalka Sare oo Berri la dooran doono Guddoonkiisa waa Hay’ad ku cusub Siyaasada Somaliya oo aan laheyn Shuruuc tilmaameysa; Jiritaankeeda, howsheeda, xiriirka kala dhexeeya Hay’adaha kale ee Dawladaha Fedaraalka iyo Gobalada. Markii laga reebo Dastuurka Qabyada ah oo Xusaya kaliya; Jiritaankeeda iyo Tiradeeda 54, mana laha Astaamo ama Tilmaamo gaar ah oo lagu soo xulayo Xubnaheeda.

Waxaa ka mid ah Xubna caan ah, waaya arag ah oo aad looga yaqaan Dalka, dhalin-yaro aqoon yahan ah iyo gabdho fir-fircoon.
Xubnaha qaar waxaa horey loogu yiqiin magacyo hore sida; Shuuci, Hantiwadaag, Dagaal-ooge, Qabiileyste, Gobaleyste Fedaraaleste iwm. Lkn hada Magacoodu waa Mr. Senator oo aan weli af Somali loo hayn.

Raga Rug-cadaaga ah ee ka dhex muuqda Aqalka Sare waxaa laga xusi karaa;
– Cabdi Xaashi oo la filayo in uu hogaamiyo Aqalka 4ta Sano ee soo socota, aguna yaqaano ; Hal-adeeg, Mabda’a, Somalinimo iyo Dawladnimo, Lkn dadkiisii kuma jiraan Aqalka ama ma-noola.
– Faroole & Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa Saxiixa-yaashii Kampala Acord 2011, oo noo dejiyey Dastuurka Qabyada ah, una ololeeyey in lagu daro Fedaraalka iyo Aqalka Sare, jecelna in ay arkaan Somaali Fedaraal ah iyo Puntland iyo Galmudug oo Xalay-dhalay ah.
– Jurille iyo Dheg-dheer oo lagu yaqiin Abaabulka iyo Kicinta Barlamaanadii Fedaraalka ilaa Carte, Lkn kan tiradiisu ay ku yartahay.
– Xaaji Muuse Suudi oo lagu yaqaan halganka iyo u doodida Xuquuqda Gobalka Benaadir. Iyo khubara kale oo caan ku ah Dawlad yaqaan.

Hadaba maxaa laga fili karaa khubaradaas kala duwan? Muxuusa Aqalka Sare ku soo kordhin doonaa Siyaasada Somaaliya?

W/Q: Dr Maxamed Gacal