Baay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Dowladda Federaalka fuliyeen.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Baay, ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana sarkaalkan la sheegay in lagu dilay howlgal ka dhacay degaanka Ceel Dhuun Adeegow oo 45-km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Baydhabo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa magaca Sarkaalkaasi ku sheegay C/laahi Gaab, kaasi oo sida la sheegay dhibaato ku haayay dadka degaanka.
Lama sheegin xilka uu haayay C/laahi Gaab, marka laga reebo inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, kana howlgalaayay deganada Gobolka Baay.


