Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa maanta tababar mudo labo maalin ah socday loogu soo gaba gabeeyay salaadiinta iyo boqorada ka soo jeeda Degaanada Soomaaliland.
Tababarkan ayaa salaadiinta iyo boqorada waxa ay ku qaadanayeen cashiro ku saabsan Doorashooyinka iyo qaabka ay uga qeyb galayaan.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland oo munaasabada xiritaankeeda hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha ay isla afgarteen in si dar dar leh lagu socod siiyo arrimaha Doorashooyinka ee Soomaaliland.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliland in laga sugi doono Madasha Wadatashiga Qaran.


