Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Kenya oo iskaashanaya ayaa Howlgal ay ku baadi gooabayeen rag ka tirsan sida la sheegay Shabaab oo ka gudbay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxa ay ka sameeyeen xuduuda labada dal u dhaxeysa.
Taliyaha Ciidanka Maamulka Jubbaland Heybe Axmed C/laahi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay Ciidanka in ay gaareen Degaano hor leh oo ka tirsan xuduuda labada dal ay wadaagaan halkaasina ay ka raadinayeen Dagaalyahanada ka tirsan Shabaab.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii ragga ka tirsan Shabaab ay ogaadeen in lagu daba jiro in ay go’aansadeen in ay u soo laabteen dhanka xuduuda Soomaaliya oo markii hore ay ka talaabeen.



