Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay doorka Masuuliyadeed ee ka saaran Xukuumadiisa ilaalinta guud ee Hantida Qaranka iyo sidii si cadaalad ah loogu maamuli lahaa.
Waxa uu sheegay Xukuumada uu soo magacaabayo maalmaha soo aadan in ay ka shaqeyn doonto ilaalinta Hantida guud ee Qaranka, isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay la socdaan Hantida Qaranka, si looga hortago ku takri fal.
Sidoo kale Xasan Cali Khaye Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la dhowro Hantida Qaranka, si shacabka ay ugu sinaadaan.
Mas’uuliyiinta cusub ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay si aad ah khudbadaha ay jeedinayeen ugu soo darayeen sida ay ula dagaalami doonaan Musuq maasuqa iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku takri falaya awoodaha Qaranka uu siiyay.


