DHAGEYSO: Shuban biyood ka dilaacay Baardheere

Baardheere-RisaalaFM- Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo saameeyay dadka halkaasi ku nool oo isgu jira Haween iyo caruur.

Dad badan oo halkaasi ku nool oo uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka ayaa la jiifiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baardheere, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo waxna looga qabto.

Dr. Shaafici Aadan Ugaas ayaa sheegay tirada ilaa iyo hada la jiifiyay Isbitaalka Magaalada Baardheere in ay gaarayaan 78 Qof, oo mid ka mid ah uu geeryooday, halka Tuulooyinkana ay ku geeryoodeen 7 Qof oo kale, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay Dr. Shaafici xilligan oo kale in ay uu dilaaco cudurka shuban biyoodka, maadaama ay istaagaan Biyaha Wabiga, sidoo kalena Bisha Maarso kuleelkeeda uu yahay mid daran.

Dadka shacabka ah ee ku nool Gobolada Dalka ayaa waxaa isugu darsamay Cudurka Shuban biyoodka iyo Abaaro, taasi oo sababtay in dad badan ay u geeryoodaan, inkastoo ay socdaan dadaalo loogu gurmanaayo.