Kismaayo-RisaalaFM- Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa uu galay Fasax maadaama 10-ka dambe ee Bisha Ramadaan lagali rabo.
Gudoomiyaha Baaralamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland la siiyay.
Sheekh Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Baaralamaanka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in fasaxa la siiyay xildhibaanada Jubbaland uu yahay sidii ay uga faa’deysan lahaayeen 10-ka dambe ee Bisha RamaDAAN.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa fasaxa la siiyay ka soo laaban doona marka Bisha Ramadaan laga baxo 7 cisho kadib.


