Cadaado-RisaalaFM- Xildhbaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku yeeshay kal fadhigoodii 5-aad, kulankiisii Afaraad.
Kulanka xildhibaanada Galmudug ay yeesheen oo ay soo xaadireen 50 xildhibaan ayaa waxaa hor yaallay laba ajande, kuwaasi oo kala ah Miisaaniyadda Galmudug 2017-ka iyo Hindise sharciyeedka xanaanada xoolaha iyo Beeraha.
Wasiirka Maaliyadda maamulka Galmudug oo hortagay Baarlamaanka ayaa ka codsaday Mudanayaasha in ay ansixiyaan Miisaaniyadda 2017-ka ee Galmudug.
Dood dheer kadib xildhibaanada Galmudug ayaa qaab gacan taag ah ku meel mariyay Miisaaniyadda Galmudug, 46 xildhibaan ayaa ogolaatay, Saddex Mudane way diideen, halka hal xildhibaana uu ka aamusay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay maanta wixii ka dambeeya in ay ansax tahay Miisaaniyadda Galmudug 2017-ka.


