DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ka hadashay weerarkii Bariire

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdadii aadka looga naxay ee ku aadaneyd weerarkii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay 25-kii bishan ku qaadeen beer ku taalla degaanka Bariire, halkaasi oo ay ku dileen 10 qof oo shacab ah.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa qiray dadkii lagu laayay Bariire in ay ahaayeen shacab, aan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay hadii dadka la dilay ay ahaan lahaayeen Shabaab aanan la keeni laheyn Muqdisho oo duurka lala galin lahaa, balse hada Meydadka la keenay Muqdisho, si loo ogaado dadka la dilay in ahaayeen shacab.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aanka Dowladda Federaalka, oo ku aadan in guddi xaqiiqo raadin ah arintan soo baara ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay Dowladda in ay ka codsanayaan in ay la wadaagaan xogta dhabta ah.

Sidoo kale Maxamed Xasan ayaa sheegay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si la mid ah Dowladda Federaalka arrintan dhankooda in ay u saareen guddi, isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano oo ka tirsan Koonfur Galbeed, wixii ka soo baxana ay la wadaagi doonaan caalamka.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada taageera in ay gacan ka siin doonaan howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, oo uu ka taliyo Koonfur Galbeed, si uu u yaraado khasaare soo gaara dadka shacabka ah.