DHAGEYSO: Laamaha amniga oo ka hadlay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay qarax gaari oo galabta ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto oo ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, kaasi oo xoogiisa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa la soo dhigay wadada dhinaceeda, kadib shacabka ayaa ka shakiyay oo Ciidamada ku wargeliyay.

Ciidamada ayaa durbadiiba waxay hakiyeen isu socodka gaadiidka, waxayna shacabka uga digeen in ay u dhowaadaan gaariga, daqiiqado kadibna waxaa qarxay gaariga.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa si wadajir ah halkaasi ugula hadlay warbaahinta.

Axmed Carab ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay fashiliyeen qaraxa, kaasi oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen Shabaab, oo doonayay in ay xasuuqaan shacabka, sida uu sheegay Afhayeenka.

Wuxuu sheegay mar walba Ciidamada amniga in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan qaraxyada Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay Ciidamada qaraxan fashiliyay in dhaawac uu soo gaaray, balse aysan jirin dhimasho.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay gaariga qarxay nuuciisa in uu ahaa SURF, wuxuuna intaasi raaciyay qaraxan in ay ku dhaawacmeen laba Askari iyo laba qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska in Ciidamada Dowladda mar walba ay ka go’an tahay sugidda amniga, shacabkana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

Qaraxan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka mid ah qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.