Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa dalka Koonfur Afrika kula kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi waxa uuna ugu warbixiyay xaalada guud ee Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale kala hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay ka dhacaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo hormarinta Dalka.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in uu dowladda Koonfur Afrika kala hadli doono dhibaatooyinka loo geysto ganacsada Soomaaliyeed.


