Wararka laga helayo magaalada Beled-xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar Bambo gacmeed ah lagu weeraray guri uu ka degnaa magaalada Beled-xaawo Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana dhaawac uu soo gaaray labo ka mid ah ilaaladiisa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo Bile Huufood Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay weerarka xildhibaanka, waxaana uu sheegay in ay howlgallo ka sameeyeen goobta xildhibaanka lagu weeraray.


