Taliyaha ciidamada Puntland Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere” ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sanaag gaar ahaan goobihii ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay inta badan gacanta ku hayaan goobihii lagu dagalamay isla markana aysan jirin wax dagaal ah oo ka taagan deegaanadaasi.
Waxa uu sheegay in ay wadaan howlgaladii ugu dambeeyay oo ay ku soo afjarayaan xiisadaha ka taagan gobolka sanaag.
Taliye Saciid dheere oo la hadlay Warbaahinta deegaanada Puntland ayaa ka warbixiyay qaabka ay ugu diyaar garooween howlgalada uu sheegay iney qaadayaan.
Shalay ayay ahayd markii Taliyaha ciidamada Puntland iyo saraakiil iyo ciidamo badan ay gaareen gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanadii lagu dagaalamay.


