Garoowe-RisaalaFM- Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Puntland C/kariin Xuseen Firdhiye oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa Taliyeyaasha Maxaabiista ku amray in ay dadejiyaan Maxaabiista sugaya in ay helaan cadaalada.
C/kariin Xuseen Firdhiye Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Maxaabiista qaar ay yihiin kuwo loo heysto in ay ka tirsan yihiin Shabaab, isagoo ku baaqay in si deg deg ah cadaaladda lagu horkeeno si dambiga ay lahaayeen loogu qaado.
Waxa uu sheegay in aan loo baahneyn in waqti badan xabsiga lagu sii hayo Maxaabiista, iyadoona aan wax xukun ah ku dhicin Maxaabiista.
Taliyeyaasha iyo ciidamada amniga ayuu ku amray in Maxaabiistii ay soo qabtaan ay ku soo wareejiyaan xeer ilaalinta si dambigii ay galeen loogu qaado.


