DHAGEYSO: Xaalad Adag oo ka taagan Gelinsoor

Guddoomiyaha Degmada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud Xirsi Muuse Maxamed ayaa sheegay in Xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay weli ka jiraan degmada Gelinsoor.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli abaar ay ka jirto degmada isla markaana aysan jirin gurmad ay heleen dadka degaanka.

Waxa uu sheegay in marar badan ay la xiriireen dowladda dhexe balse ilaa iyo hada aysan ka jawaabin baaqa ay u jeediyeen.

Guddoomiyaha Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud Xirsi Muuse Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in hadii dadka ku nool gelinsoor aan gurmad deg deg ah lala soo gaarin in ay noloshooda halis ku jirto.

Degaano badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa wali waxaa ka taagan Xaalad Adag oo dhanka nolasho ah.