Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay Kalsooni kala noqoshadii Baarlamaanka maamulka Puntland ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Xildhibaanada oo la hadashay Risaala waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in lala xisaabto Wasiiradii Shaqadda laga ceyriyay, islamarkaana laga haboonaa in la kala diro, iyadoo aan lala sameynin xisaabtan.
Sidoo kale waxa ay tilmaamay in tilaabadii kala diritaanka Golaha Wasiirada Puntland ay tahay mid lagu deg degay.
Dhankale Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf ayaa ka hadashay Saameyn ay ku yeelankarto Sanadguuradii la Aas Aasay Puntland oo dhawaan la xusi doono iyo Safarka lagu waddo in Garowe uu ku tago Madaxweyne Farmaajo , waxaana ay sheegtay in taasi saameyn weyn ku yeelan doonto kala dirida Wasiiradda.


