Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa ay ka mid noqotay Degmooyinka laga bilaabay Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Weedow Cali Xasan ayaa Risaala u sheegay intii ay howlgalka wadeen in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalladan oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga bilaabay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay.
Wariyaha Risaala ee Degaanada koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warbixinta warkan inooga soo diray Magaalada Baydhabo.


