Manchester United oo dalabkii ugu dambeeyay u direysa kubad burburiye heer caalami ah

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney go’aansatay iney dalabkii ugu dambeyay ka gudbiso isla markaana isku daydo sidii ay ku heli aheyd burburiyaha Tottenham Hotspur & qaranka Engalnd Eric Dier.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay afka ku heysay in Jose Mourinho uu si ba’an u doonayo inuu helo xidigaan heerka caalami isla markaana uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo aadan.

Spurs ma dooneyso iney iibiso xidigeeda kaas oo sanadkii 2016 qalinka ugu duugay heshiis shan sano ah, balse Mirror waxey qoreysaa in United ay diyaar u tahay iney tijaabiso xidigaan sidii ay ku heli laheyd iyadoo miiska saareysa 60 Malyan oo Pound.

Dhanka kale Mirror waxey warbixinteeda ku shaacisay in Eric Dier qudhiisa uu si daran u doonayo inuu ku biiro kooxda Old Trafford ka dhisan si uu waayahiisa u iftiimiyo 23-jirkaan heerka caalami wuxuu Spurs kazoo muuqday 46-kulan dhamaan tartamada oo dhan iyadoo loo adeegsaday daafaca dambe iyo khadka dhexe, waana sababta keentay in Jose uu damco wiilkaan madama uu labada dhinacba ku wanaagsan yahay.