Shacabka kunool degaanada maamulka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay kala diridii Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ay ku sameeyeen golaha Wasiirada Puntland.
Shacabka waxa ay sheegeen In ay si aad ah uga faraxsan yihiin tilaabadda ay qaadeen xildhibaanada oo sheegeen in ay tahay mid guul u horseedikarta Shacabka Puntland.
Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.
Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas inuu haysto 21 Cisho uu ku soo magacaabayo Wasiiro cusub oo uu yeesho Maamulka Puntland.
Xildhibaanada riday Golaha Wasiirada Puntland ayaa ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo sidoo kale inuu faraha ka baxay amniga deganada Maamulka Puntland.


