DHAGEYSO: Madaxweyne Cosoble oo balan qaaday u sameeyay dhalinyaradda

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in shaqo Abuur ay u sameyn doonaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool degaanada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyaradda degaanada maamulka Hirshabeelle in ay helaan shaqooyin ay qabtaan si ay u maareeyaan noolashooda.

Waxaa uu tilmaamay in maamulka Hirshabeelle ay si weyn uga shaqeyn doonaan in dhalinyaradda ay helaan shaqooyin si ay uga baaqsadaan dhibaatooyinka soo gaari kara.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay in ay dadaallo badan ay ku bixin doonaan caawinta dhalinyaradda aan shaqooyinka heysan.