Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada jubaland gaar ahaan gobalka gedo oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka heysta Shacabka kunool gobalkaasi Gedo oo ay ugu horeyaan dhinaca abaaraha
Waxa ay sheegeen in dadkii kabarakacay deeganaada gobalka Gedo iyo xoolihii ay wateen ay hadda u dhimanayaan abaar iyo biyo la’an baahsan soo wajahday dadkaasi,waxaana madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya , hay adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi ay dhibaatada hayso.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddooda ay qorshooyin u dajiyeen dadka ay saamaysay biyo la’anata .
Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay dabagal kusameeyaan lacagaha loogu talagalay Arrimaha Biyaha dalka kuwaas oo uu tilmaamay in siqaldan loo isticmaalo.
Hadalka Wasiirada iyo Xildhibaanada katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli qaar kamid ah Shacabka ku nool deegaano katirsan Gobolka Gedo ay kabarakaceen Abaaro iyo duqeymo deegaano ka tirsan gobolkaas ka fuliyaan Ciidamada Kenya,isla markaana ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.
Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolka Gedo.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya.



