Kooxda Atletico Madrid ayaa marti galisay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid Laakiin labada dhinac waxay ku kala baxeen barbar dhac 0-0 ah.
Ma aheyn wixii aannu rajaynaynay inana ku aragnay ciyaarta gaar ahaan xiddigaha bandhiga sarre laga filkayay
Atleti wuxuu usoo galay garoonka Joao Felix oo 19 jir ah, kaasoo umuuqday mid sameyn badan aaan ku yeelan natiijada ciyaarta.
Real Madrid waxay laheyd madadaalo u gaar ah xiddiga garabka ka ciyaara ee Eden Hazard.
Los Blancos shaki kuma jirin inay raadineysay bandhiga laacibka Belgian-ka ah laakiin ma uusan smaeyn wuxuu la filayay, madaama lagu qasbay daqiiqadii 77aad inuu ka saaro garoonka tababare Zidane.
Hazard wuxuu sii wadaa inuu sameeyo qaab aan muuqan isla markaana umuuqdo inuu ku kalsoon yahay inuu la ciyaaro ciyaartoyda kale ee kooxda.
Rael Madrid ayaa siisay Chelsea lacag dhan 100 milyan euro xagaagan laakiin ma arkin wali bandhigii ugu fiicnaa ee 28 jirkan.
Weli wuxuu sugayaa yoolkiisa ugu horreeya, isagoo doonaya inuu caaawiyo kooxda ku ciyaarta shaatiga cad ee caanka ah.
Buuxitaankii Cristiano Ronaldo ayaa ah mid dhibaato weyn u keenay garabka weerarka kooxda Real Madrid.
Falcelin ay sameyeeen warbaahinta Isbaanishka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay Hazard mid aan wali saldhigan kooxda.
Marca ayaa qortay: “Laacibka reer Belgian ka hor ciyartii Seville inuu soo ceshtay kubad heysashadiisa, laakiin kulankii Atleti ma uusan sameynin taas mana uusan abuurin wax qatar ah .
Wax badan ayaa laga filayaa Hazard marka uu joogo Real Madrid. Wali waa uu ka fog yahay sida ugu fiican waxaana Gareth Bale iyo Karim Benzema yihiin kuwa ugu fiican kooxdan ilaa iyo haatan.
Awoodiisa ayaa loo baahan yahay. Wuxuu u yimid La Liga si uu ugu raaxeysto ciyaaro waa weyn oo sidan oo kale ah, laakiin ma uusan soo bandhigin wax u dhow sida ugu fiican kulankii Wanda. ”
Taageerayaasha ayaana durba u jeesanaya xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, iyagoo ku kaftamaya bilowgiisa niyad jabka ku ah mustaqbalkiisa Real.
Jamaahiirta ayaa wadaagaya erayo ay kamid yihiin ‘kulanka Chelsea vs Hazard tigidhada Real Madrid, halka ay sidoo kale ku qoslayaan culeyskiisa oo xadka ka baxay.
Real Madrid ayaa qasaarisay goolasha ugu badan tan iyo markii uu Ronaldo ka tagay sanadkii 2018.
Hazard wuxuu leeyahay awood uu ku badbaadiyo kooxdan, laakiin bilowgiisa noloshiisa funaanadda No.7 ma uusan sameyn sidii la filayay.



