Kooxda martida loo ahaa ayaa isbarbar dhig ku sameysay awooda Liverpool, si kastaba ha ahaatee Reds ayaa awood dheer ah sameysay iyadoo heshay guushii ugu weyneyd – inkasta oo nasiibku uu saaciday.
20 daqiiqo markii ay ka dhumaneyd ciyaaarta kubad ka timid Georginio Wijnaldum ayaaa shabaqa soo taabtay kadib qalad uu sameeyay golhaye Dean Henderson oo amaah kaga maqan Manchester United.
Guushii Manchester City ee 3-1 ay ka gaartay Everton goor dambe ayaa ka dhigan in farqiga uu weli yahay shan dhibcood, laakiin Liverpool ayaa ku jirta boos weyn madaama ay doonayaan inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League.
Wiilasha Jurgen Klopp waxay ka heleen taageero cajiib ah Jamaahiirtooda safarkii Bramall Lane, iyadoo Mohamed Salah uu sameeyay wax soo jiidasho leh
In kasta oo uusan wax gool ah dhalin, Salah wuxuu umuuqday mid aad halis u ahaa daqiiqadihii ay ciyaartu soctay, waxaana dhowr jeer kubad toos ah ka badbaadiyay goolhaye Henderson.
Wax yar ka dib markii garsoore Anthony Taylor uu afuufayay seerigii ugu dmabeeyay ciyaarta, mid ka mid ah taageereyaasha Liverpool ee da’da yar ayaa usoo orday garoonka isaga oo rajaynayay in uu funaanadda ka qaato Salah kadib ciyaartii 1-0 kusoo dhamaatay.
Markii 27-sano jirka anweerarka uu arkay ilmaha yar, wuu gacan qaaday si naxariis leh, wuxuu siiyay funaanaddiisa, waxbadan oo farxad ah ayeyna ku reebtay cunuga, kaasoo orod iyo sacab kaga baxay garoonka.



