Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan tiro dhalinyaro oo ku dhintay xeebaha u u dhaxeeya dalalka Masar iyo iyo talyaaniga.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo badan kuwasoo ku dhintay bada,
Hadliye ayaa sheegay in la xiriir la sameeyeen Safaaradaha Soomaaliya ay kuleedahay dalkaas ,islamarkaana ay u sheegeen in ay baaritaan kuhayaan.
“Dhammaantood wey xaqiijiyeen inay jirto arrintani, waxaan la ogeyn un tirada sidey tahay iyo wadamada ay ka kala yimaadeen, ”ayuu yiri Wasiir Hadliye.
Dhanka kale wasiir dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in ay haboontahay in dhalinyarada Soomaaliyeed Marka ay tagaan dalka Yurub in dib loogu soo celiyo dalka si ay ugu quusqaataan kuwa kale ee doonaya in ay tahriibaan.
Kudhawaad 200 oo dhalinyaro Soomaali tahriibyaal ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen Xeebaha u dhaxeeya Masar iyo talyaaniga.