DHAGEYSO: Kooxo hubeysan oo dilay 6 caruur ah iyo Ayeeydood

Kudhawaad 7 qof ayaa lagu dilay deegaanka Siinay oo katirsan oo gobolka shabellaha Hoose oo tagana degmada Marka .

Dadka la dilay ayaa isku jira caruur iyo waayeel waxaana la sheegay in 6 caruur iyo qof dumar oo ayeeydood ah   halkaas lagu dilay.

dadleyda   aan la garan ayaa ku dilay dadkaas gurigooda waxaana la sheegaya in ay xabad qabasiiyeen ka dibna ay gubeen, dadka la dilay ayaa ahaa dad reer guura ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in jiraan sidoo kale xoolo ay dileen kooxaha hubaysan.

Ayeeyada dhimatay ayaa lagu magacaabii jiray Khadiijo Nuur Maxamed oo da’deena waxaa lagu sheegay 70 sano jir.