DHAGEYSO: Wasiir Qarjab oo baaq u diray shacabka Puntland

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in mar walba ay ka guuleysanayaan weerarada Shabaab ay ku ku soo qaadaan Degaanada Puntland.

Shalay Degaanka Af-urur oo ku yaalla Duleedka magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay Dagaal xoogan, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Shabaab.

Shabaab dagaalkaasi waxay ku sheegteen in ay ku dileen 61 Askari oo Puntland ka tirsan, Puntland warkaasi way beenisay waxayna sheegtay in ay iska difaceen, waxyeelada ugu badan ee Dagaalkana in ay soo gaartay dad shacab ah.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay Shabaab mar walba in ay weeraraan goobaha ay ku badan yihiin shacabka, sidaasi awgeedna shacabka looga baahan yahay in ay ka qeyb  qaataan Dagaalka lagula jiro Shabaab.