Xisbiga haya tallada dalka Britain ee ay hogaamiso ra’iisul wasaare Theresa May ayaa lumiyay aqlabiyadda uu ku lahaa baarlamaanka ka dib doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi.
Theresa May ayaa ku guuldaraysatay in ay xoojiso aqlabiyadda uu xisbigeeda ku lahaa baarlamaanka, ayadoo lagu wado inuu dhawaan furmo wadaxaajoodka uu dalkaasi kaga baxayo Midowga Yurub.
Inkastoo uu xisbiga muxaafidka lumiyay kuraas uu ku lahaa baarlamaanka, ayaa haddana weli waxa uu yahay kan ugu weyn UK.
Waxaa la saadaalinayaa in xisbigeedu uu heli doono 318 xilhibaan, halka xisbiga Shaqaalahana uu heli doono 261 xildhibaan. Waxaa soo raaca xisbiga SNP oo isna la saadaalinayo inuu heli doono 35 xildhibaan.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May inay iscasisho, balse waxay sheegtay inuu dalku u baahan yahay ”xasilooni” taasoo uu xisbigeedu keeni kara.



