Magaalada Monterial ee Dalka Canada waxaa ka furmay shirweynaha wadamada Xubnaha ka ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka oo marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb-galayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar).
Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay sirasmi ah oo madax bannaan uga qeyb-gasho Shirweynaha duulimaadyada Aduunka, iyada oo tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka ay maamulida hawada Soomaaliya mas’uul ka aheyd Hay’adda ICAO.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa faah faahin ka bixiyay waxa dowladda Soomaaliya uga dhigan tahay ka qeyb-galka shirkaan oo ay goobjoog ka yihiin Wakiilo ka kala socda 193 Dowladood.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in shirkaan ay Soomaaliya si madax bannaab uga qeyb-galeyso, iyada oo aan hoostageynin Hay’adda ICAO oo markii hore gacanta ku heysay Maamulka iyo Maareynta Hawada Soomaaliya,isla markaana muhiimada ugu weyn shirkaan uu yahay soo bandhigida Sharciyada Cusub iyo is caawinta dhinaca duulimaadyada rayidka ah.



