Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Magaalada Muqdisho maanta warbaahinta kula hadlay gaar ahaan xarunta CID-da ayaa waxa uu ka hadlay eedeyn loo jeediyay, waxaana eedeyntaasi ay ku aadaneyd in uu xiray mid ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.
Waxa uu sheegay wararkaasi in aysan waxba ka jirin oo ay yihiin kuwo sal iyo raad midna aan laheyn oo aan loo meyl dayin.
Dhanka kale Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dacwad uu ka gudbiyay Boqorka Beeshiisa, oo uu sheegay in arrintan uu wax ka wado.
Waxa uu sheegay arrintan in ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo Musharaxiin dano gaar ah leh oo iyagu doonaya in ay Beeshiisa khilaaf ka dhex abuuraan.


