Galgala-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday Ciidamada Badda ee Puntland.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay Ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah.
Buuralayada Galgala ayey ku dagaalamaan Ciidamada amniga ee Puntland iyo Al-Shabaab.
Hawlgallo Milatari oo sannadkii hore ay sameeyeen Ciidamada Puntland ayaa goobo ka mid ah buuralayda Galgala looga qabsaday Al-Shabaab
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhinaca kale Ciidamada Puntland ay kusii siqayaan Magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen koox taanbacsan Daacish.


