Cabdi Muuse Wasiirka Gargaarka iyo Naafadda maamulka Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay in uu lunsaday lacag loogu tala galay dadka ku dhibaateysan degmada Marka ee ay Saameeyeen Abaaraha ayaa arintaasi beeniyay.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin lacag uu lunsaday , islamarkaana lacagtaasi uu lunsaday oo kaliya gudoomiyihii hore ee degmada Marko Maxamed Yariisow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda uu ku xiran yahay Xabsi ku yaalla duleedka Magaalada Marko oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM Maxamed Yariisow.
Lacagta la lunsaday ayaa waxaa ay gaaraysaa sideed kun oo dollar.
Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay maamul goboleedyada ay u qeybisay lacag loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen in la gaarsiiyo waxaana qaabkii lacagtaasi loo isctimaalay kasoo yeeray qeylo dhaano kala duwan oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.


