Dabaal Dagii Lionel Messi Ee (Call Me) Oo Siyaabo Kala Duwan Loo Fasirtay Iyo Ujeedka Dabaal Dagiisa Oo Ugu Dambeyn La Ogaday

Lionel Messi ayaa  wacdarahiisii lagu yaqaanay dhigay, wuxuuna daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa kulankii ay xasuuqa u geysteen Celta Vigo kulan ka tirsan La Liga.

Kabtanka Argentina wuxuu sameeyay dabaal dag uusan wali adeegsan waana midkii uu Ramos ugu dabaal dagay goolkiisii barbaraha ee El-Clasico, balse Messi ayaa sameeyay si la mid ah waana dabaal dagga loogu yeero (Call Me – Isoo Wac)

Loogama baran inuu sidaas sameeyo durba waaxaa timid hadal heyn ku aadan nuuca dabaal dagiisa iyo waxa uu kaga dan lahaa.

Xigasho Laacib